Tirada dhimashada qaraxyadii Gaalkacyo oo gaartay ilaa iyo 30 qof

Gakayo
Qaraxa oo burburiyay dhismayaal u dhowaa xarunta dowlada hoose ee Gaalkacyo. Sawirka: Facebook.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada ka dhalatay qaraxyo mataano ahaa oo maanta oo Axad ah lala beegsaday xarunta dowlada hoose ee Gaalkacyo ayaa gaartay 30 qof, halka dadka dhaawaca ah ay yihiin ilaa iyo 50 qof, sida saraakiisha caafimaadka Gaalkacyo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas in ay iyadu ka dambayso, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay mareegaha internet-ka ee taageera kooxdaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*