Tirada dhimashada qaraxii isbiimaynta ahaa ee ka dhacay Baqdaad oo gaaray 250 qof

Karrada
Eheladii dadka dhintay. Sawirka: Reuters.

Dadka ku dhintay weerarkii isbiimaynta ahaa ee ka dhacay bartamaha caasimada Ciraaq, Baqdaad ayaa noqonaya weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca dalka Ciraaq tan iyo sanadkii 2003-da xilligii duulaankii Maraykanka.

Dadka ku dhintay weerarka isbiimaynta ah ayaa hadda tiradoodu gaaraysaa 250 qof, sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Ciraaq.

Kooxda Dowlada Islaamiga ah (IS) ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, kaasoo ka dhacay maalintii Axada magaalada Baqdaad gaar ahaan deegaanka ay Shiicadu daganyihiin ee Karrada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*