Tirada Dhimashada qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho oo gaartay 70 qof

Qaraxa ayaa lala sheegay in lala beegsaday xarun canshuurta lagu uruuriyo. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada Dhimashada qarax gaari oo Subaxnimadii Sabtida ka dhacay Muqdisho ayaa gaartay 70 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xarun ay booliiska ku uruuriyaan canshuuraha oo kutaala isgoyska Ex-kantarool ee gudaha Muqdisho.

Ku dhawaad 90 qof oo kale ayaa ku dhawaacantay qaraxa, kuwaasoo la geeyay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.

Dadka qaraxa ku waxyeeloobay waxaa kamid ah arday kadib markii gaarigii ay saarnaayeen uu qabsad weerarku.

Labo nin oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ku jira dadka ku dhintay qaraxa, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga Anadolu, oo soo xiganaysa masuuliyiinta dalkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*