Tirada dhimashada dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug oo gaartay 13

????????????????????????????????????
Nin reer miyi ah oo wata qoriga AK-47.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada dagaal labo maalmood socday oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleedyo kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa gaartay 13, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha caafimaadka.

Qiyaasta tirada dhimashada ayaa kala duwan, laakiin inta badan ilo-wareedyada ayaa dhigaya in ka badan 13, qaar kale ayaa sheegaya in ka badan 17.

Dagaalka oo u dhaxeeya beesha Cumar Maxamuud iyo qabiilka Habargidir ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Bali Busle ee gobolka Mudug iyo meelaha ku hareeraysan.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka ayaa waxaa sababay aanooyin qabiil iyo colaad isku haysi dhul oo muddo badan soo taagnayd.

Ma jirto waxa war ah oo kasoo baxay haayadaha amaanka ee Puntland iyo Galmudug oo ku saabsan dagaal beeleedka Mudug.

Dagaalada u dhaxeaaya labada qabiil ayaa ah kuwo muddo sanado badan ka jiray gobolka Mudug.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*