Tirada dhimashada dadka ku sumoobay biyo ay ka cabeen ceel biyood kuyaala gobolka Bari oo gaartay ilaa 10 qof

Bukaan ku waxyeeloobay biyaha uu ka cabay ceelka. [Xigashada Sawirka: Radio Qandala]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada dadka ku sumoobay biyo ay ka cabeen ceel biyood kuyaala gobolka Bari ayaa gaartay ilaa 10 qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta.

Abshir Maxamuud oo ah guddomiye ku xigenka deegaanka Timirshe oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dad badan ay ku xanuunsadeen biyaha ay ka cabeen ceelka oo la dhaho Ceel-ileed.

Intooda badan dadka ku waxyeeloobay biyaha ceelka ayaa ah dad reer guuraa ah, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaan weli wax jawaab ah oo deg deg ah ka bixin arrintaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*