Tirada dadka ku dhimatay qaraxyadii Muqdisho oo gaartay 39 qof

Sawirka: Dad sida qof ku waxyeeloobay qaraxyada ka dhacay Muqdisho Nov 09, 2018.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dadka ku dhimatay qaraxyadii ismiidaamiinta ahaa ee ka dhacay Muqdisho Jimcadii ayaa gaartay 39 qof, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Qaraxyada oo ka koobnaa saddex gaari ayaa labo kamid ah lala beegsaday Huteel Saxafi, halka midka saddexaad uu ka dhacay wado mashquul badan oo u dhow huteelka.

“Waxaanu xaqiijinay 39 qof oo shacab ah in ay dhinteen 40 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadii shalay,” Maxamed Xuseen, oo katirsan ciidamada booliiska ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas lala beegsaday Huteel Saxafi, kaasoo u dhow xarunta dambibaarista Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*