Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo la dhigay isbitaala kuyaala Minneapolis

Janaraal Maxamed Abshir Muuse. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya Janaraal Maxamed Abshir Muuse ayaa la dhigay isbitaal kuyaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xubno katirsan qoyskiisa ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay.

Xaaladiisa caafimaad ayaa la rumeysanyahay in ay tahay mid culus, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Waxa uu ahaa taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana loo yaqaan aabihii Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Maxamed Abshir ayaa kunoolaa gudaha Mareykanka tan iyo markii ay dhcday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*