Taliyihii ciidamada Itoobiya Janaraal Seare Mekonnen oo ilaaladiisu toogasho ku dishay

Taliyihii ciidamada dalka Itoobiya Janaraal Seare Mekonnen. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Taliyihii ciidamada dalka Itoobiya Janaraal Seare Mekonnen ayaa ilaaladiisu toogasho ku dishay gudaha caasimada Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya.

Isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaara ayaa sidoo kale lagu dilay madaxweynihii maamul goboleedka Amxaarada Ambachew Mekonnen.

Taliyaha la dilay ayaa xilka hayay muddo sanad ah kadib markii raysulwasaare Abiy Ahmed uu magacaabay.

Masuuliyiinta Itoobiya ayaa sheegay in dilka taliyaha iyo isku dayga afgembiga uu xiriir ka dhaxeeyo, waxayna ku eedeeyeen Asaminew Tsige oo ah taliyaha ciidamada amaanka ee gobolka Amxaara. Ma cadda in la xiray sargaalkaas la sheegay in uu ka dambeeyo afgembiga dhicisoobay.

“Isku dayga afgembiga ee maamul goboleedka Amxaara waa mid ka soo horjeeda dastuurka ujeedkiisuna yahay in lagu aaso nabadgelyada sida adag loogu guuleystay ee ka jirta gobolka,” xafiiska raysulwasaaraha ayaa sidaa ku yiri war-saxaafadeed.

Iskudayga afgembi ee Amxaara waa caqabadihii ugu dambeeyay ee uu wajaho Abiy, kaasoo la doortay sanadkii lasoo dhaafay.

Inta uu xafiiska joogay, waxa uu sameeyay isbadalo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo soo jiitay quluubta dad badan, isbadaladaas oo ay kamidtahay sidii la yaabka lahayd oo u aqbalay in uu heshiis la gaaro Eriteeriya oo ahayd cadowga ugu weyn ee Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*