Taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland oo iscasilay

Taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen oo ka hadlayay xerada 54-aad, Feb 23, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa iscasilay maanta oo Talaado ah, sida ilo-wareedyo ka ag dhow taliyaha ay u xaqiijiyeen bog wareedka Puntland Mirror.

Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaan faahfaahin weli sababta keentay iscasilaadiisa.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu Cabdishukri u magacaabay taliyaha ciidamada Daraawiishta kadib markii taliyihii hore Janaraal Siciid Maxamed Xirsi “Siciid Dheere” uu xilka ka tagay isaga oo isku sharaxay madaxweynenimo doorashadii dhacday bishii Janaayo ee 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*