Taliye saldhig booliis oo lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

Booliis ku sugan Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidanka booliiska Puntland ee gobolka Bari ayaa lagu dhaawacay magaalada Boosaaso, sida bog wareedka Puntland Mirror ay u sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.

Niman baastooladu ku hubeysan ayaa Cumar Warsame Ciise weerar u geystay xillii uu ka soo baxay masjid salaadi Jimcaha.

Cumar ayaa ah taliyaha ciidanka booliiska saldhiga Janaraal Nuursalaad oo kuyaala gudaha magaalada Boosaaso.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday goobta, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray. Masuuliyiinta dowladda weli kama aysan hadlin xaalada taliyaha.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah ka fuliyay magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*