Taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliiska Puntland ee Gaalkacyo oo ka badbaaday qarax loogu rakibay gaarigiisa

Gaariga oo ku qarxay dayrka guriga taliyaha. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliiska Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka badbaaday qarax loogu rakibay gaarigiisa maanta oo Arbaco ah.

Taliye Cabdiqani Jaamac Axmed oo loo yaqaan Xaabuun ayaa warbaahinta u sheegay in xalay xilligii hurdada loo soo dhacay dayrkiisa laguna xiray qaraxa gaariga oo yaalay dayrka gurigiisa ee magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa oo ahaa nooca rumuutka lagu hago ayaa qarxay kadib markii dadkii ku sugnaa guriga laga saaray, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, sida uu sheegay taliyuhu.

Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse waxaa looga shaki qabaa ururka argagixisada Al-Shabaab oo iyagu weeraro noocaan oo kale ah horey uga geystay gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*