Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida dowlada Puntland Janaraal Siciid Dheere oo ka hadlay howlgalo ka socda Garoowe

said-dhere
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan (Siciid Dheere) [Sawirka: Puntand Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan (Siciid Dheere) ayaa ka hadlay howlo amaanka lagu adkaynayo oo ka socda caasimada Puntland ee Garoowe.

“Hawsha laga shaqaynayo oo aan wadnay ilaa shalay waxaa saldhig u ah magaalada waxaa lagu qabanayaa saad wada ogtihiin shir balaaran oo lagu xulayo ergadii baarlamaanka ee aqalka hoose iyo midka sare ee dowlada federaalka, dad faro badan baa isugu yimid isuguna imaan doona waxaana imaan doona wufuud aduunka ah oo kala duwan waxaa imaan doona dad kale oo ka socda bulshada saas awgeed howlgalkan waxa uu ku salaysanyahay in amniga magaalada la adkeeyo,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay wariyeyaasha maxaliga ah.

“Si hawsha amniga oo ahmiyada aad u balaaran iyo qiimaha weyn u leh Puntland loo sugo Ilaahayna loola kaashado meel fiican bayna maraysaa,” ayuu ku daray Janaraal Siciid Dheere.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socday bilihii u dambeeyay ololeyaasha xubnaha u sharaxan in ay Puntland u matalaan golaha baarlamaanka iyo golaha aqalka sare ee dowlada federaalka Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*