Taliyaha ciidamada Soomaaliya oo sheegay in ciidamada awood u leeyihiin sugida amaanka dalka marka ciidamada AMISOM ay baxaan

Taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya Janaraal Maxamed Aadan Axmed.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya Janaraal Maxamed Aadan Axmed oo saakay oo Sabti ah saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada qaranka Soomaaliya ay hadda u diyaarsanyihiin ayna awood u leeyihiin in ay qabtaan masuuliyada amaanka dalka oo dhan iyo meelaha yar oo la rabo in laga xoreeyo gacanta maleeshiyada al-Shabaab.

“Aad baan u rajaynayaa kalsoonina aan ku qabaa markii walba oo ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan gudaha Soomaaliya, ciidamadeena waxay qaban karaan ilaalinta dalka oo dhan iyo ka xoraynta meelaha yar oo ku harsan gacanta maleeshiyada al-Shabaab oo hadda ay ku dhuumanayaan,” ayuu yirir Janaraal Maxamed.

Hadalka taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii dowlada Yugaandha ay sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017.

Taxliilin

Marka laga tago hadalka taliyaha ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya Janaraal Maxamed Aadan Axmed, dalka wali malahan ciidamo qalabaysan oo tababaran haddana “isku dhaf ah” oo laga keenay gobolada kala duwan ee dalka.

Heshiisyo badan oo ay wada galeen maamul goboleedyada dalka ka jira oo ay ugu horayso Puntland iyo dowlada dhexe ee Muqdisho ayaan miro dhalin wali, heshiisyada ayaa ku saabsanaa in ku dhawaad 20,000 oo ciidan qaran ah la sameeyo kuwaasoo laga soo qoro 18-ka gobol ee dalka.

Ciidamada hadda jira ee dowlada federaalka ayaa u badan kuwo intooda badan laga qoray gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Intii aysan dhicin dowladii dhexe ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ciidamada dalka Soomaaliya ayaa kamid ahaa kuwa ugu awooda badan qaarada Afrika waxaana tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 53,000 oo askari.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*