Taalibaan oo weerartay safaarada Jarmalka ee Afkaanistaan

weerar
Taalibaan oo weerartay safaarada Jarmalka ee Afkaanistaan. [Sawirka: Reuters]
Kabul-(Puntland Mirror) Gaari uu watay qof isa-soo-biimeeyay ayaa lagu dhuftay safaarada Jarmalka ee ku taala magaalada Mazar-i-Sharif, dalka Afkaanistaan, ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay 120 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo booliska ah.

Weerarka maanta oo Jimce ah ayaa waxaa sheegatay masuuliyadiisa kooxda Taalibaan, taasoo ku sheegtay in uu ahaa “weerar aargudasho” ee duqayn diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen gobolka Kunduz bilowgii bishaan kaasoo ay ku dhinteen 32 qof oo shacab ahaa.

Sida ay sheegeen booliiska magaalada Mazar-i-Sharif, qofka weerarka soo qaaday ayaa waxyaabaha qarxa ee gaariga u saarnaa waxaa uu la beegsaday derbiga safaarada Jarmalka ee kutaala magaalada.

“Weerarka waxa uu ahaa mid aad u weyn, kaasoo burburiyay daaqado, iyadoo dad badan oo shacab ah ay ku dhaawacmeen gudaha guryahooda,” Abdul Raziq Qaderi oo ah madaxa ammaanka gobolka Balkh halkaas oo ay kutaalo magaalada Mazar-i-Sharif ayaa sidaa yiri.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*