Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha oo kuyaala Muqdisho oo maalintii labaad xiran

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha oo kuyaala Muqdisho oo maalintii labaad xiran. [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah xiran maalintii labaad, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Ganacsatada ku sugan Muqdisho ayaa ka cabanaya canshuur ay sheegeen in dowladda ku kordhisay.

Ilaa shalay oo Axad ahayd, waxaa socda shirar u dhaxeeya ganacsatada iyo masuuliyiinta sare ee dowladda.

Asbuucii lasoo dhaafay, Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay in ganacsatadu ay canshuurta bixiyaan si dowladda ay awood ugu yeelato in ay fuliso adeegyada.

Ganacsatada Soomaaliya ayaa inta badan ka cowda canshuuro dheeri ah oo ay sheegaan in lagu soo rogo. Muddooyinkii dowlad al’aanta lagu jiray ayaa ganacsatada aysan bixin jirin wax canshuur ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku tiirsan caawimaada ay ka hesho caalamka.

Miisaaniyada dowladda federaalka oo uu baarlamaanku ansixiyay ee sanadka 2018 ayaa dhan $274 milyan.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in dowladda ay kor u qaadi doonto dadaalada ay ku uruurinayso canshuuraha si looga kaaftoomo ku tiirsanaanta dowladdaha shisheeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*