Sudan oo sheegtay in ay kordhinayso deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardada Soomaaliyeed

Sudan
Wefdiga ka socda dowlada federaalka Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Khartoum, Sudan, masuuliyiinta waxbarashada Sudan. Sawirka: Radio Muqdisho.

Khartoum-(Puntland Mirror) Dalka Sudan ayaa balanqaaday inuu deeq waxbarasho  oo badan siinayo dalka Soomaaliya kadib markii wefdi sare oo labada dowladood ka socda ay ku kulmeen caasimada Sudan, Khartoum.

Guddoomiyaha  guddiga baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dibada Cabdulqaadir Cosoble oo ay waheliyaan wefdi kale oo dowlada federaalka ah ayaa kulan la qaatay shalay oo Arbaco ahayd wasiirka waxbarashada Sudan Dr. Ajitani Mustafa Mohamed Sala.

Wasiirka waxbarashada Sudan ayaa sheegay in dalkiisa oo horey kumanaan Soomaali ah deeq waxbarasho u siiyay haddana ay sii kordhin doonaan deeqaha waxbarasho.

Kumanaan arday Soomaali ah ayaa wax ka barta dalka Sudan, sidoo kale boqolaal kale oo dalkaas wax kasoo bartay ayaa dib ugu soo noqday dalka si ay cilmigooda ugu adeegaan dalkooda.

Sudan ayaa Soomaaliya siinaysay deeqo waxbarasho tan iyo burburkii, taasoo ka dhigaysa dalka ugu badan oo deeq waxbarasho siiya dadka Soomaaliyeed.

 

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*