Sucuudiga oo sheegay in beri ay Soon tahay

Sucuudi Caraabiya ayaa iclaamiyay in beri oo Talaado ah ay tahay maalin Ramadaan lana dhamaystiri doono 30-ka bisha Ramadaan kadib markii ay galabta dhalanweyday bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga.

Dhamaan wadamada Islaamka ayaan laga arag galabta bisha Shawaal taasoo ka dhigan in beri ay tahay Soon si guudna looga ciidi doona caalamka Islaamka maalinta Arbacada oo ay bisha Milaadiga ku beegantahay 6.

Ciida Fidriga ayaa bilaabmata marka dayaxeeda laga arko cirka.

Soomaaliya oo laga fiirshay galabta bisha ayaan laga arag, iyadoo masaajida laga bilaabay tukashada salaada Taraawiixda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*