Sucuudi Caraabiya iyo xulufadiisa oo liiskooda argagixisada ku daray hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Al-Shabaab ee Galgala

Sawirka: Maxamed Siciid Atom, hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Al-Shabaab ee buuraha Galgala.

Abu Dhabi-(Puntland Mirror) Sucuudi Caraabiya iyo xulufadiisa oo kala ah Isutaga Imaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa liiskooda argagixisada ku daray Maxamed Siciid Atam iyo tobaneeyo kale oo uu ku jiro kuwaasoo lagu eedeeyay in ay Qatar maalgeliso, sida lagu sheegay bayaan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 11 qof oo uu Atom ku jiro oo u kala dhashay dhowr wadan oo Carbeed ay si toos ah Qatar dhinacyo badan uga taageerto, oo ay kamidyihiin baasabooro iyo haayado khayraadi ah.

Xulufada ayaa ku eedeeyay Doha in ay ku fashilmeen inay qaadaan tallaabooyin lagula dagaallamayo howlaha argagixisada.

Bishii June ee sanadkan, xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ayaa xiriirka u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururada argagixisada ah.

Maxamed Siciid Atom ayaa ahaan jiray asaasihii iyo hoggaamiyihii maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalanta buuraha Galgala ee Puntland. Sanadkii 2014 ayuu iclaamiyay in uu ka baxay Al-Shabaab, isaga oo magangalyo ka helay dalka Qatar, halkaas oo la rumeysanyahay in uu hadda ku noolyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*