Sucuudi Caraabiya, Isutaga Imaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn oo xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar

Khariidada dowladaha Khaliijka. [Xigashada: Germadnik]
Qaahiro-(Puntland Mirror) Sucuudi Caraabiya, Isutaga Imaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa sheegay in ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen Qatar.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa bayaankeeda ku sheegtay wakaalada wararka ee dowladda Sucuudiga subaxnimadii hore maanta oo Isniin ah, iyaga oo sheegay in ay ficilka u qaadeen waxay ugu yeertay difaacida ammaanka qaranka.

Saddexda wadan oo Khaliijka katirsan ayaa martida u dhalatay Qatar iyo dadka deegaanka ku ah u qabtay labo asbuuc in ay uga baxaan dalalkooda, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

Sucuudiga ayaa sidoo kale xiray xuduudka waxaana uu hakiyay isku socodkii hawada iyo badda ee uu la wadaagay Qatar, iyaga oo ka codsaday dhammaan dalalka walaalaha ah iyo shirkadaha in ay sameeyaan si lamid ah.

Dagaalka Afka                            

Saddex maalmood kadib markii Trump tagay Riyadh, wakaalada wararka Qatar ee ay dowladdu maamusho ayaa soo qaadatay hadalo uu dhahay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo uu ku dhaleeceeyay dareenka kordhaya ee ka dhanka ah Iran. Saraakiisha ayaa si deg deg ah u tirtiray hadalada, iyaga oo ku eedeeyay hadalada in ay qoreen tuugada kumbuyuutarada jabsata (hackers) waxayna jeediyeen in xaalada la qaboojiyo.

Warbaahinta Sucuudiga iyo Imaaraatka ayaa ka dibna bilaabay weerar afka ah oo ka dhan ah Qatar, taas oo sii xoogaysatay kadib markii Sheikh Tamim uu telefoon kula hadlay Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani asbuucii hore taasoo u muuqatay dhaleeceyn Sucuudiga ah.

Khilaafyadii hore

Khilaafka u dhaxeeya lixda dal oo ka mid ah Khaliijka ayaa kor u kacay wakhtiyadii la soo dhaafay. Intii lagu guda jiray sanadkii 2014-kii, Sucuudiga, Imaataarka iyo Baxrayn ayaa si ku meel gaar ah safiiradoodii ugala baxay Qatar. khilaafka ayaa  xuddun u noqday dalka Masar, markii Qatar ay taageertay dowladda Ikhwaanul Muslimiinka halka Sucuudiga iyo Imaaraatku ay taageero maaliyadeed siin jireen taliskii ciidanku hoggaaminayay ee la riday.

Markan, Sucuudi Caraabiya ayaa soo xigtay in Qatar ay taageerto “kooxaha argagixisada ee lagu doonayo in gobolka lagu khatar geliyo” oo ay ku jiraan Ikhwaanul Muslimiinka, Daacish iyo Al-Qaacida. Waxaa lagu eedeeyay in Qatar ay taageerto “kooxaha argagixisada ee Iran ay dabada ka riixayso” oo ka hawlgala gobolka bari ee boqortooyada iyo sidoo kale Baxrayn.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*