Soomaaliya oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Guinea

Wasiirka arrimada dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Guinea, sida uu sheegay wasiirka arrimada dibada.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimada dibada Soomaaliya, oo maanta oo Khamiis ah jir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay dalka Guinea in ay ku xad gudbeen qaranimada Soomaaliya.

“Xiriirka waxaan ugu goynay dalka Guinea waxay ku xad gudbeen qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri wasiirku.

Go’aankan ayaa yimid labo maalin kadib markii madaxweynaha maamulka Somaliland uu safar ku tagay caasimada dalka Guinea ee Conakry, halkaas oo loogu soo dhaweeyay sidii madaxweyne ka yimid dal madax-banaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*