Soomaaliya oo taageertay howlgalka millatari ee uu Turkigu ka waddo gobolka Afrin ee dalka Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa taageertay howlgalka millatari ee uu Turkigu ka waddo gobolka Afrin ee kuyaala waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya, sida ay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu kasoo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa Anadolu u sheegay in dalkiisu uu taageersanyahay howlgalkaas.

“Waxaanu taageersanahay howlgalka millatari ee uu Turkigu ka bilaabay Afrin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

“Turkigu xaq bay u leeyihiin in ay is difaacaan, waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu waxaana u sheegay in Soomaaliya ay taageersantahay,” ayuu ku sii daray.

Turkiga ayaa asbuucii lasoo dhaafay howlgal millatari ka bilaabay gobolka Afrin si ay halkaas uga saaraan maleeshiyooyinka PYD/PKK iyo Daacish.

Turkiga ayaa Soomaaliya taageerayay tan iyo sanadkii 2011, waxaana uu dalka kuyaala Geeska Afrika ka dhistay saldhigiisa milatari ee ugu weyn adduunka, iyo safaarada ugu balaaran caalamka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*