Soomaaliya oo sideed safiir ku amartay in ay dalka soo galaan 30 beri gudahood

Calanka Soomaaliya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa sideed safiir oo Soomaaliya u fadhiya wadamo dibada ah oo u badan Carabta ku amartay in ay dalka ku soo galaan 30 beri gudahood, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada.

Wadamada ay joogaan safiirada loo yeeray ayaa waxaa kamid ah Jabuuti, Imaaraatka Carabta, Shiinaha, Kuweit, Qatar, Suudaan, Uganda iyo Zambia.

Ma cadda weli sababaha loogu yeeray safiiradda balse warar ayaa sheegaya in ay jiraan isku shaandhayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*