Soomaaliya oo sheegtay in ay u mamnuucday qaadka Miirowga ee Kenya kadib markii guddoomiyaha gobolka Meru oo qaadka ka baxo uu ku xad gudbay madax-banaanida qaranka

Jamaal Xasan
Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Kenya Jamaal Xasan.

Nairobi-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u mamnuucday qaadka Miirowga ee laga soo dhoofiyo dalka Kenya sababtoo ah guddoomiyaha gobolka Meru, Peter Munya ayaa u adeegsaday olole ganacsi in uu ku kala jabiyo dalka Soomaaliya.

Shalay galab oo Talaado ahayd, ayaa safiirka Soomaaliya u qaabilsan Kenya Jamaal Xasan sheegay in booqashadii Munya ee magaalada Hargaysa bartamihii bishii lasoo dhaafay ee July ay sababtay cadaadis siyaasadeed oo ah in Soomaaliya ay joojiso ganacsigaas.

“Wuxuu isku xiriiriyay qaranimada dalka iyo ganacsiga Miirowga sidoo kale wuxuu faragalin ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka,” ayuu Jamaal u sheegay wargeyska  Nation ee Kenya.

“Taasaa ku keentay dowlada cadaadis aan loo dulqaadan Karin. Waxaanu mamnuucday ganacsiga sii looga hadlo arrimahaas.” Ayuu ku daray.

Maalintii Isniinta ayaa dowlada federaalka Soomaaliya ogeysiisay  diyaaradaha soo qaada qaadka Miirowga ee ka yimaada Kenya in aysan imaan Karin garoomada Soomaaliya.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee July ayaa guddoomiyaha gobolka Meru oo ah meesha qaadka ka baxo ee Kenya, Mr Munya uu booqasho ku tagay magaalada Hargaysa ee caasimada maamulka Somaliland si uu ugu ololeeyo in la dabciyo sharciyada quseeya dadka Qaadka Miirowga kasoo dhoofsada Kenya oo keena Somaliland, si loogu badasho qaab aqoonsi Somaliland.

Intii uu Hargaysa joogay Munya ayaa la kulmay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo wasiirada arrimaha dibada iyo maaliyada ee maamulkaas.

Dowlada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka xanaaqday booqashadaas Mr Munya oo uu ku doonayo in uu dalka ku kala jaro si uu uga faa’idaysto ganacsigiisa.

Safiir Jamaal ayaa u sheegay wargeyska Nation in dowlada Soomaaliya ay arrimahan kala hadli doonaan dhiggeeda Kenya si loo helo xal saaxiibnimo.

Kenya ayaa Soomaaliya u dirta 540 diyaaradood oo sida Qaadka Miirowga bil walba.

Joojinta qaadka ee gudaha Soomaaliya ayaa ganacsatada Miirowga ee Kenya waxa ay ku waayayaan malaayiin dollar.

Soomaaliya ayaa hadda ah suuqa ugu weyn ee qaadka loo dhoofiyo tan iyo markii wadamada Holland iyo UK ay mamnuuceen geedkaas.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*