Soomaaliya oo shaqaaleysiisay shirkad Mareykan ah oo gacan ka geysan doonta dhaqaale joojintii maamulka Trump ee ciidamada Soomaaliya iyo xayiraada socdaalka

Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: AFP/Getty Images]
Washington-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa siineysa $400,000 dollar shirkad Mareykan ah ilaa dhammaadka sanadkan si ay gacan uga geysato dib u habeynta caawimaada dhaqaale ee ciidamada dalka iyo in la qaado xayiraada maamulka Trump uu ku soo rogay in dadka Soomaaliyeed ay u safraan Mareykanka.

Heshiiska lala galay Sonoran Policy Group (SPG) ayaa horaantii bishaan waxaa saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan, halka SPG uu u saxiixay Christian Bourge, oo ah agaasimaha guud ee shirkada oo fadhigeedu yahay gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Shirkadu waxay balanqaaday in ay diyaarineyso wadahadal lala yeesho masuuliyiinta Aqalka Cad iyo xildhibaanada ujeedkuna yahay in la dhammeeyo qeyb kamid ah xayiraada Mareykanku uu saaray Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Walaac ku saabsan musuqmaasuq baahsan ee ka dhex jira Dowladda Soomaaliya iyo milatariga Soomaaliya ayaa keenay in sanadkii lasoo dhaafay Mareykanku joojiyaan taageerada cunada iyo shidaalka ee ay siin jireen inta badan ciidamada Soomaaliya.

Heshiiska Soomaaliya ay la gashay SPG ayaa sidoo kale sheegaya in loo howlgalo in gacan laga geysto in Soomaaliya laga saaro liiska wadamada uu Trump mamnuucay.

Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay ee June taageertay xayiraada maamulka Trump ku soo rogay socdaalka muwaadiniinta shan wadan oo Muslim ah, oo ay ku jirto Soomaaliya.

SPG sidoo kale waxay gacan ka geysan doontaa mustaqbalka safar uu Mareykanka ku tagi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida uu sheegayo heshiiska.

Heshiiska, kaasoo SPG siin doona lacag dhan $100,000 dollar bil kasta muddo afar bilood ah, ayaa waxaa kamid ah shaqooyin kale oo guud oo ay qaban doonto shirkadu si ay u hagaajiso sumcada Soomaaliya ay ku leedahay gudaha Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*