Soomaaliya oo noqotay dalka ugu masuqmaasuqa badan caalamka

Sawir si qarsoon looga qaaday Odayaal Soomaali ah oo qeybsanaya lacago laaluush oo ay ka heleen doorashadii madaxweynenimada ee 2017. [Sawirka: Twitter]
Berlin-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu masuqmaasuqa badan caalamka, sida haayada Transparency International ay ku sheegtay Tusmeyn Garashadeeda Musuqmaasuqa ee 2017, oo ay sii deysay xalay oo Arbaco ahayd.

Tusmeynta sanadlaha ah ee Transparency International ayaa lagu baaray 180 dal oo loo aqoonsan yahay heerarka musuqmaasuqa ee dowladda, waxayna Soomaaliya ka gashay meesha 180-aad iyada oo heysata 9-dhibcood.

Dalka kuyaala Geeska Afrika ayaa sanadihii u dambeeyay kaalinta ugu xun ee dhanka musuqmaasuqa adduunka kaga jiray, warbixin sanadeedka haayada Transparency International oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Germany.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo oo muddo hadda sanad ah jirta ayaa markii lagu jiray ololaha doorashada balanqaaday in ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa, oo musiibo weyn ku ah Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*