Soomaaliya oo markeedii ugu horeysay dood u qaban doonta musharixiinta madaxweynaha

Soomaaliya oo markeedii ugu horeysay dood u qaban doonta musharixiinta madaxweynaha. [Graphic: Puntland Mirror]
Soomaaliya oo markeedii ugu horeysay dood u qaban doonta musharixiinta madaxweynaha. [Graphic: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa markeedii kowaad dood u qabanaysa musharixiinta madaxweynaha iyadoo ay soo aadantahay doorashada bisha soo socota.

Dooda ayaa ka dhici doonta maanta oo Isniin ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida qorshuhu yahay.

Ku dhawaad 24 kamid ah musharixiinta madaxweynenimada ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan dooda, waxayna ka bixi doonta taleefishinada maxaliga ah ee Soomaalida iyo sidoo kale warbaahinta bulshada sida You Tube-ka iyo Facebook-ka.

Ujeedada dooda ayaa ah in musharixiinta madaxweynaha ay la wadaagaan bulshada Soomaaliyeed aragtidooda iyo siyaasadooda.

Doorashada ayaan ahayn hal-qof iyo hal-cod, xildhibaanada baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood iyo xubnaha cusub ee aqalka sare oo ah 54 ayaa dooran doona madaxweynaha xiga ee dalka.

Madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha xaadirkan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kamid ah 24 musharax oo u tartamaya madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 8-da Febaraayo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*