Soomaaliya oo ka codsatay Interpol xirista wasiirkii amniga Jubbaland ee baxsadka ah

Cabdirashiid Janan oo maxkamad ka soo muuqday 2019. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa ka codsatay boliiska caalamiga ah ee Interpol xirista wasiirkii amniga maamul goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidanka booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u gudbisay Interpol codsi rasmi ah oo lagu soo qabanayo Cabdirashiid Xasan Nuur oo baxsad ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka codsaday dalka Kenya in ay gacan ka geystaan soo qabashada wasiirka amniga Jubbaland, waxayna intaas ku dartay in haddii aan la soo qaban ay dhaawac u geysan karto xiriirka wanaagsan ee hadda ka dhex jira labada dal.

Cabdirashiid Janan ayaa ku jiray xabsi kuyaala Muqdisho tan iyo bishii September 2019, kahor inta uusan dabayaaqadii bishii Janaayo, waxaana uu dooni ku tagay magaalada Kismaayo.

Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan ayaa xabsi ku jiray tan iyo bishii September 2019, kadib markii laga qabtay garoonka Muqdisho xilli uu safar ku jiray. Waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in uu galay dambiyo culus oo ka dhacay gobolka Gedo.

Haayada Amnesty International ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay Axadii uga baaqday Dowladda Kenya in ay xirto Janan oo ay sheegtay in uu hadda ku suganyahahay gudaha Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*