Soomaaliya oo hakisay qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya

Qaad
Qaad kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la hakiyay qaadkii Miirowga ee ka imaan jiray dalka Kenya.

Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada dowlada federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac “Jaangali” ayaa warbaahinta u sheegay in la hakiyay qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Wasiir Jaangali ayaa sheegay in beri oo ay bishu ku beegantahay 6-da bishan September ay bilaabmi doonto hakintu.

Wasiir Jaangali ayaan faahfaahin sababta keentay in la hakiyo qaadka Miirowga.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aanka hakintu uu wada saameyn doono hawada Soomaaliya oo dhan.

Kenya ayaa maalin walba uu soo dirta Soomaaliya dhowr diyaaradood oo qaadka Miirowga ah, kaasoo ay ku baxaan malaayiin dollar.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*