Soomaaliya oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka codsatay in ay qaadaan tilaabo ka dhan ah saldhiga milatari ee Imaraatka ka dhisayo Berbera

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. [Sawirka: Reuters]
New York-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in ay qaadaan tilaabo ka dhan ah dhismaha saldhiga milatari ee uu Imaaraatka Carabta ka dhisayo Somaliland.

Isaga oo ka hadlayay Golaha Ammaanka Talaadadii, Abuukar Cusmaan, safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ee saldhiga milatari ee laga dhisayo magaalada Berbera uu si cad ugu xadgudbayo sharciyada caalamig ah.

Abuukar ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in ay qaadaan tilaabooyin lagama maarmaan ah si loo joojiyo ficiladaaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si balaaran u cambaareynaysaa xadgudubyadaas qayaxan, waxayna ku celinaysaa in ay qaadi doonto ficilada lagama maarmaanka ah iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda faraya in ay difaacdo sharciyada aan lagu xadgudbi karin ee madax-banaanida ee midnimada Soomaaliya,” ayuu ku daray.

Imaaraatka ayaa bilaabay dhismaha saldhiga sanadkii lasoo dhaafay, iyaga oo heshiis la galay masuuliyiinta maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

Hadalka Abuukar ayaa imaanaya kadib markii baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen in shirkada DP World ee Imaaraatka Carabta laga mamnuuco dalka Soomaaliya. 

DP World oo ah shirkada afraad ee maamusha dekadaha oo ugu weyn aduunka, ayaa sanadkii 2016 heshiis la gashay Somaliland si ay u dhisto una maamusho dekada Berbera, dhaqaalaha maalgelinta ee ku baxaysa dhismaha dekada ayaa lagu sheegay $442 milyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*