Soomaaliya oo $50 milyan oo taageero maaliyadeed ah ka heshay Sucuudi Caraabiya

Sawirka: Madaxweyne Farmaajo oo Boqorka Sucuudiga Salmaan la kulmaya asbuucii lasoo dhaafay.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa $50 milyan oo taageero maaliyadeed ah ka heshay Sucuudi Caraabiya, sida uu xaqiijiyay Raysulwasaaraha Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre ayaa bayaan uu soo saaray shalay oo Talaado ahayd waxa uu uga mahadceshay taageerada maaliyadeed ee uu Sucuudigu siiyay Soomaaliya.

“Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.” Ayuu yiri.

Khayre ayaa sheegay in deeqdaas lagu shubi doono khasnada dowladda ee Banguga Dhexe, iyadoo loo isticmaali doono si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Ugu dambayn, Raysulwasaaraha ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sucuudi Caraabiya ayaa xumaaaday kadib markii Soomaaliya ay qaadatay in ay dhex-dhexaad ka tahay khilaafka Khaliijka u dhaxeeya.

Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar ku tagay Sucuudiga, waxaana uu la kulmay Boqor Salmaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*