Soomaaliya oo 30 sanno kadib deyn qaadan karta kadib markii ay iska bixisay deyntii Bankiga Adduunka

Soomaaliya oo iska bixisay deyntii Bankiga Adduunka. [Isha Sawirka: World Bank]
Washington-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa iska bixisay lacaga deynta ah oo ku lahaa Bankiga Adduunka, taasoo u suurtagelinaysa in ay lacag ka amaahato deyn bixiyaha markii ugu horeysay muddo soddon sanno ah.

Soomaaliya ayaa dib u soo celisay deynta ka dib markii ay ka heshay dawladda Norway lacag dhan $365.9 milyan oo amaah ah, sida Bankiga Adduunka uu ku sheegay bayaan uu ku daabacay website-kiisa. Dib u bixintu waxay qayb ka tahay qorshe dhammaystiran oo ku saabsan soo deynta iska nadiifinta taasoo sidoo kale ay ku jiraan Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

“Deyna iska nadiifintan, waxay si buuxda Soomaaliya dib ugu bilaabaysaa in ay awood u yeelato dhaqaale cusub oo ay ka hesho Bankiga Adduunka taasoo wadada u xaaraysa in Soomaaliya deynta laga cafiyo si kor loogu qaado koboca iyo dib u soo kabashada sanada soo socda,” Bankiga Adduunka ayaa sidaa ku yiri bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*