Soomaaliya iyo Sucuudi Caraabiya oo soo afjaray heshiiska shaqaalaysiinta muwaadiniita Soomaaliyeed ee ka shaqayn doona gudaha boqortooyada Sucuudiga

Soomaaliya iyo Sucuudi Caraabiya oo soo afjaray heshiiska shaqaalaysiinta muwaadiniita Soomaaliyeed ee ka shaqayn doona gudaha boqortooyada Sucuudiga. [Sawirka: Archive]
Soomaaliya iyo Sucuudi Caraabiya oo soo afjaray heshiiska shaqaalaysiinta muwaadiniita Soomaaliyeed ee ka shaqayn doona gudaha boqortooyada Sucuudiga. [Sawirka: Alyaum]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Isfahamka guud ee heshiiska shaqaalaynta muwaadiniita Soomaaliyeed ee dalka Sucuudi Caraabiya ayaa lasoo gabagabeeyay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasi oo Soomaali ah.

“Wasiirka shaqaalaha Soomaaliya ayaa booqan doona boqortooyada Sucuudiga dhawaan si uu u dhammeeyo heshiiska shaqaalaysiinta kaaasoo wajiga kowaad lagu qaadan doono 10,000 Soomaali ah oo ka shaqayn doona gudaha Sucuudiga,” ilo-wareedyo diblomaasi oo codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa sidaa u sheegay wargeyska daily Al Eqtisadiya  ee kasoo baxa Sucuudiga.

Labada wasaaraddood ee shaqaaalaha labada dal ayaa bilihii u dambeeyay ka wadahadlayay sidii loo dhammeyn lahaa heshiiska kaasoo damaanad-qaadaya xuquuqda labada dhinac ee shaqaalaysiinta.

“Safaaradda Soomaaliya ee gudaha Sucuudiga kutaala ayaa heshay codsiyo badan oo kayimid haayadaha shaqada gacanta si ay u shaqaalaysiiyaan Soomaalida.” Ayay sheegeen ilo-wareedka diblomaasi.

Dad badan oo Soomaali ah kuwaasoo ka shaqeeya gudaha Sucuudi Caraabiya ayaa waxaa shaqaalaysiiyay shakhsiyaad iyagoo aysan wax door ah ku lahayn haayadaha shaqada gacanta ama qaabka sharciga ah ee shaqaalaysiinta, badankoodna waxay la kulmaan tacadiyo.

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2015-ka, ayaa wasaaradda shaqaalaha Sucuudigu sheegtay in ay albaabada u furayso shaqaalaysiinta ka timaada Soomaaliya, dhowr bil kadib markii loo ogolaaday dadka Jabuuti in ay ka shaqeeyaan gudaha boqortooyada Sucuudiga.

Bartamihii bishii April sanadkii 2016-ka ee lasoo dhaafay ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshadda ee Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim sheegay in wajiga kowaad ee shaqaalaysiinta Soomaalida ee gudaha Sucuudiga ay noqon doonto 2,000 qof, kuwaasoo badankood ka shaqayn doona jaariyado iyo darawalo, waxaana maalgelinaya haayadaha shaqaalaysiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan saxaafada wax ka weydiisay arrimaha shaqaalaysiinta Sucuudiga ayaa diifacay hawshaas, isaga oo sheegay in si khaldan loo turjumay, waxaana uu tusaale u soo qaatay in gabdhaha Soomaaliyeed ay hadda keligood iska safraan iyagoo aysan dowlad dirsan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan gabdho badan oo qaab tahriib ah ku maray dalka Yeman si ay Sucuudiga lug ugu galaan.

Si kastoo ay ahaataba, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay ka taxadarto macquulnimada dhibaatooyinka shaqaalaha lana hubiyo xuquuqdooda iyo nabadgalyadooda.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*