Soomaaliya iyo Hindiya oo ku heshiiyay is dhaafsiga maxaabiista

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Hindiya Sushma Swaraj. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
New Delhi-(Puntland Mirror) Kulan ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya maanta oo Talaado ah ayaa Soomaaliya iyo Hindiya ku kala saxiixdeen heshiiska is dhaafsiga maxaabiista.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Hindiya Sushma Swaraj ayaa heshiiska qalinka ku duugay.

Ku dhawaad 100 maxaabiis Soomaali ah oo loo haysto burcadbadeednimo ayaa ku xiran xabsiyada kuyaala gudaha Hindiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*