Soomaalida kunool gobolka Maine ee Maraykanka oo ka banaanbaxay hadal uu dhawaan jeediyay Donald Trump

 

Soomaalida Portland
Soomaalida kunool magaalada Portland oo dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan hadal uu sheegay Donald Trump. Sawirka: Puntland Mirror.

Portland-(Puntland Mirror) Boqolaal Soomaali ah ayaa isugu soo baxay magaalada Potland ee gobolka Maine, Maraykanka shalay galab oo Jimce ahayd.

Dadka ayaa u banaanbaxay si ay u cambaareeyaan hadal uu dhawaan jeediyay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo uu ku sheegay dadka Soomaalida ee kunool Maraykanka in ay ka yimaadeen mid kamid ah wadamada aduunka ugu khatarta badan loona baahanyahay in la joojiyo.

Boqolaal kamid ah bulshada Soomaalida ee kunool gobolka Maine ayaa ka qaybgalay banaanbaxa, oo uu soo agaasimay duqa magaalada Portland, Ethan Strimling.

“Ma jirto nebcaan ka jirta gobolka Maine….Ka imaanshaha meel dhib ka dhacay kaa dhigi mayso in aan dambiile nahay… ma nihin.” Sidaa waxaa yiri Cabdulaahi Axmed oo kamid ahaa dadka banaanbaxa ka qaybgalay.

Soomaalida ayaa tagay gobolka Maine sanadkii 1990-kii, xilligaas oo dalka Soomaaliya ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*