Somaliland waxay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, waxaan rajayn in ay ka tagto: Madaxweynaha cusub

Madaxweynaha cusub ee Puntland Sciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Facebook/denimedia]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu edeeyay Somaliland in ay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland.

Wareysi uu Arbacadii siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan jirin wax muran ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Somailand, balse maamulka Hargeysa ay kusoo xadgudbeen gobolada Puntland.

“Anaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, goblolada Sool iyo Sanaag waxay qayb ka ahaayeen xilligii la dhisayay Puntland 1998,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyay sida lagu xalin karo muranka ka taagan goboladaas, Deni waxa uu sheegay in iyaga ujeedadoodu aysan ahayn dagaal, balse ay rajaynayaan in Somaliland ay si nabad ah uga tagto halkaas kuna laabtaan deegaankoodii.

Deni, oo soo noqday wasiirka qorshaynta Soomaaliya, ayaa loo doortay madaxweynaha Puntland Talaadadii.

Muranka ku saabsan Sool iyo Sanaag waxay kamidyihiin caqabadaha ugu waa-weyn ee horyaala madaxweynaha cusub ee Puntland.

Sanadkii tagay, Puntland iyo Somailand ayaa dagaal adag ku dhexmaray tuulada Tukaraq, halkaas oo weli ay ka jirto ismari-waa milatari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*