Somaliland oo xirtay fanaan Soomaaliyeed

Fanaanka Soomaaliyed, Farxaan Xidig.

 

Hargeysa-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa xiray fanaanka Soomaaliyeed, Farxan Xidig.

Sida wararka sheegayaan fanaanka ayaa laga qabtay magaalada Boorame kadibna waxaa loo gubiyay caasimada maamulka Somaliland, Hargeysa.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in fanaanka loo xiray arrimo la xiriira dhanka siyaasada.

Dhawaan ayuu Farxaan Xidig iclaamiyay inuu u sharaxanyahay xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya doorashada dhacaysa sanadkan dabayaaqadiisa.

Bishii September 2015, ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay kooxda Xidigaha Geeska oo lagu eedeeyay in ay masrax ka ruxeen calanka Soomaaliya.

Maamulka Hargeysa ayaa iclaamiyay inuu ka madax-banaanyahay Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991 balse looma aqoonsan dal rasmi ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*