Somali-American ku guuleystay tartanka caalamiga ah ee Quraanka akhriska

Axmed Burhaan Maxamed oo la guddoonsiinayo abaalmarinta. [Xigashada Sawirka: Gulf News]
Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo matalaya Mareykanka ayaa ku guuleystay  tartanka caalamiga ah ee Quraan akhriska, isaga oo noqonaya qofkii ugu horeeyay oo Mareykan ah ee ku guuleysta abaalmarinta.

Axmed Burhaan Maxamed, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Quraanka ee Dubai, Imaaraatka Carabta.

Axmed ayaa ka adkaaday 104 qof oo kala qeybgalay tartanka oo 22-kii sanno u dambeysay la qabanayay, sida uu sheegay Wargeyska Gulf News.

Qofka kaalinta kowaad gala ayaa lagu abaalmarinayay lacag lagu qiyaasay $68,000 dollar.

Waxa uu sheegay in guushu ay ku noqotay fajac uuna noqonayo qof ugu horeeyay oo Mareykan ah oo hela abaalmarintaas.

“Waxaan baranayay habeen iyo maalin,” ayuu yiri Axmed oo ka hadlayay soo dhaweyntii loo sameeyay markii uu ku noqday Minnesota, Mareykanka.

“Macalinkayga ayaa maalin walba i tijaabin jiray,” ayuu yiri.

Aabaha Axmed, ee Burhaan Maxamed ayaa sheegay in uu garanayay in wiilkiisu uu guuleysan doono.

“Dhinac walba waa uu ku fiicnaa. Iskuulka wuu ku fiicnaa, iskuulka diiniga ahna wuu ku fiicnaa. Waan rumeysan guushiisa,” ayuu ka sheegay garoonka, halkaas oo ku dhawaad 100 saaxiibo ah, qoys, iyo xubnaha bulshada ay ku soo dhaweynayeen.

Axmed ayaa Quraanka xifdinayay ilaa 7-sanno jirkiisii waxaana uu dhammeeyay markii uu jiray 12-sanno. Waxa uu ku guuleystay dhowr tartan oo Quran xifdis ah oo lagu qabtay gudaha Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*