Siyaasi reer Puntland oo caan ah oo ku geeriyooday gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso

 

Marxuum Barkhad Cali Saalax. [Sawirka: snapshot]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Barkhad Cali Saalax oo ahaa siyaasi reer Puntland ah oo la ixtiraamo ayaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso.

Waxa uu kamid ahaa asaasayaashii Puntland ee sanadkii 1998-dii.

Barkhad ayaa soo noqday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xilligii maamulkii madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Barkhad Cali Saalax.

Madaxweynaha Puntland ayaa tacsi u diray dadka reer Puntland, asxaabtii iyo qoyskii Barkhad.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ku tilmaamay Barkhad xubin muhiim u ahayd shacabka Puntland, kaasoo ka shaqeyn jiray nabada iyo horumarka Puntland.

Aaskiisa ayaa la qorsheeyay in lagu qabto maanta gudaha Boosaaso, iyada oo ay ka qeybgali doonaan masuuliyiinta dowladda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*