Sii hayaha madaxweynaha Nayjeeriya oo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Sii hayaha madaxweynaha Nayjeeriya oo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Sii hayaha madaxweynaha Nayjeeriya oo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Abuja-(Puntland Mirror) Sii hayaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka dalka Nayjeeriya Yemi Osinbajo ayaa shalay oo Axad ahayd u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu ku sheegay bayaan.

Yemi Osinbajo, ayaa bayaan uu soo saaray sidoo kale ugu hambalyeeyay dadka Soomaaliyeed guusha ay ka gaareen soo idlaynta hanaanka doorashada, taasoo u ku qeexay mid muhiim u ah tilaabo horey loogu qaaday dimuqraadiyada iyo soo celinta sharcigii iyo xasiloonidii dalka.

Sii hayaha madaxweynaha ayaa balanqaaday in ay Soomaaliya ka taageeri doonaan nabada, ammaanka, xasiloonida iyo horumarka, waxaana uu sheegay in ay la shaqeyn doonaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mr Osinbajo ayaa bayaankiisa sidoo kale ku sheegay in ay madaxweynaha cusub kala shaqeyn doonaan danaha ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo dib u habaynta dhanka ammaanka.

Ugu dambayna sii hayaha madaxweynaha Nayjeeriya ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u rajeeyay guul iyo in uu dalka ku soo dabaalo xasilooni iyo horumar.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*