Sideed dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn Mareykanku uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ayaa  sheegay in duqeyn ka dhacday Soomaaliya ay ku dileen sideed dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa Sabtidii ka dhacaday deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma jirin wax dad rayid ah oo khasaare kasoo gaaray duqeynta, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Ilaa iyo sanadkan, Mareykanka ayaa ugu yaraan 40 duqeymood oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*