Sideed dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Maleeshiyo Al-Shabaab ah oo ku sugan koonfurta Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa qaaday duqeyn ka dhacday Soomaaliya Isniintii kadib markii ciidamo katirsan Soomaaliya oo ay weheliyeen ciidamo milatari oo tababarayaal ah ay soo weerareen maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Daarul Salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay sideed dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

“Xubno katirsan ciidamada Mareykanka ayaa joogay iyada oo lagu jiray holwgal dhulka ah oo ahaa la talin dhanka tayada ah. Dhammaan xubnaha Mareykanka wax dhibbaato ah masoo gaarin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM Talaadadii.

Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya waxaa ka jooga ku dhawaad 500 askari, kuwaasoo dhinaca la talinta ka caawiya ciidamada Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 2017, Washington ayaa kordhisay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ugu yaraan 244 dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay 25 duqeymoood oo dhacay ilaa iyo sanadkan 2019, sida ay muujinayso tirakoob ay sii daayeen AFRICOM.

Sanadkii hore ee 2018, Mareykanka ayaa fuliyay 47 duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana lagu dilay 338 dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*