Sicirka caanaha oo hoos u dhacay deegaanada Puntland

Caano geel oo ku jira caagad oo lagu iibinayo dukaan kuyaala Garoowe, January 1, 2020. [Sawirqaadaha: Cabdi Cumar Bile/Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Miiror) Sicirka caanaha ayaa hoos u dhacay deegaanada Puntland markii ugu horeysay muddo sannooyin ah, sida ay sheegeen ganacsatada caanaha.

Garoowe, oo ah caasimada Puntland, halkii liitir oo caanaha geela oo dhay ah ayaa lagu iibinayaa $0.5 dollar oo u dhiganta lacag dhan 17 Shillin oo Soomaali ah, sida mid kamid ah ganacsatada uu u sheegay bog wareedka Puntland Mirror.

Sicirka ayaan weli isku mid ahayn, sababtoo ah caanaha caagadaha lagu shubo ee geelasha barqo-maalka loo yaqaan laga soo liso ayaa weli xoogaa ka qaalisan kuwa kale ee laga keeno xoolaha, sida ganacsaduhu uu sheegay.

Lama hayo qiyaasta caanaha laga liso xoolaha sida geela, lo’da iyo riyaha ee suuqyada loo geeyo iibka, balse sanadihii u dambeeyay caanaha geela ayaa aad u batay kadib markii ay kordheen geelasha barqo-maalka oo ay sameysteen intiisa badan ganacsatada ku sugan magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

In qiimaha caanuhu uu raqiiso oo uu hoos u dhaco ayaa sababta ugu weyn tahay xoolaha oo helay daaq wanaagsan kadib markii deegaanada Puntland ay ka da’een roobab mahiigaan labadii xilli roobaad ee sanadkii tagay ee 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*