Shirkada Samsung oo hakisay iibka Galaxy Note 7 kadib dhibaato dhanka batariga ah

Samsung
Samsung ayaa bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Agoosto soo bandhigtay taleefoonkeeda gacanta ee Galaxy Note 7.

Seoul-(Puntland Mirror) Shirkada Samsung ayaa joojisay iibka taleefoonkeeda gacanta ee Galaxy Note 7 kadib markii laga helay qayb taleefoonada kamid ah in ay qarxaan marka la dabaynayo.

Madaxweynaha shirkada taleefoonada gacanta ee Samsung, Koh Dong-jin, ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in macaamiisha horey u iibsaday Galaxy Note 7 loogu badali doono kuwa cusub, iyadoo aan la tixgelinayn wakhtiga la iibiyay.

Joojinta ayaa timid labo asbuuc kadib markii ay shirkada soo bandhigtay taleefoonkeeda casriga ah ee Galaxy Note 7.

Qaybo kamid ah dadkii iibsaday ayaa ku waramay in uu dab qabsaday taleefoonkooda ama uu qarxay marka la dabaynayo, waxayna Samsung sheegtay in ay xaqiijisay 35 dhacdo oo arrintaas ah taasoo ay keentay dhibaato dhanka batariga ah.

Samsung ayaa sheegtay in ay iibisay in ka badan hal milyan oo Galaxy Note 7 ah tan iyo markii ay soo bandhigtay taleefoonkaas cusub.

Samsung ayaa ah shirkad samaysa taleefoonada gacanta waxaana laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*