Shirkada Sahal Gas oo sheegtay in ay qiimo dhimis ku samaysay gaaskeeda

Maamulaha Sahal Gas
Maamulaha guud ee Sahal Gas Cabdiladiif Cabdulaahi Nuur. Sawirka: Puntland Mirror.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Shirkada gaaska cunta lagu garsado ee Sahal Gas ayaa sheegtay in ay qiimo dhimis ku samaysay gaaskeeda, sida uu sheegay maamulaha guud ee Sahal Gas Cabdiladiif Cabdulaahi Nuur oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror maanta oo Axad ah.

“Waxaanu jabinay gaaska iyadoo hadda laga bilaabo lagu helayo qiimo aad u jaban aadna ka dalban karto meel kasto oo aad joogto,” ayuu yiri Cabdiladiif Cabdulaahi Nuur.

Maamuulaha ayaa sheegay in sababta ay u jabiyeen qiimaha gaaska ay tahay iyadoo shirkadu doonayso in la gaaro himilooyinkii loo asaasay oo ay kow ka tahay dhaqaalaynta dhirta iyo qancinta macaamiisha shirkada.

“Waxaan dhamaan macaamiishayada sharafta leh la socod siinaynaa in shirkada Sahal Gas ay jabisay qiimaha gaaska lagu iibsan jiray dhamaan gobolada Puntland iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, sababta keentay in aan jabino qiimaha waxa weeye shirkada oo doonaysa in la gaaro himilooyinkii loo asaasay oo ay kow ka tahay dhaqaalaynta dhirta iyo macaamiisha shirkada ee sharafta leh si ay u helaan qiimo jaban” ayuu ku daray maamule Cabdiladiif.

Qiimaha haamaha ayaa laga dhigay sida maamuuluha uu sheegay sidaan: Boosaaso 20kg waa $38 dollar, Qardho 20kg waa $37 dollar, Garoowe 20kg waa $33 dollar, Gaalkacyo 20kg waa $39.

Sahal Gaas ayaa ah shirkada ugu weyn ee Puntland keenta Gaaska cunada lagu garsado, dhawaan ayaa shirkadu waxa ay ka dhisatay xeebta Boosaaso haamo waa weyn oo kaydiya gaaska oo ay ku bixeen malaayiin dollar, si looga kaaftoomo gaaskii go’I jiray wakhtiyada qaar.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*