Shirkada Amal Group oo soo kordhisay shirkad isgaarsiineed

Amtel ayaa bixin doonta qaybaha isgaarisiinta sida GSM-ka, Internet-ka iyo adeegyada lacag dhigashada moobilka ee (mobile money services). [Sawirka: Facebook]
Amtel ayaa bixin doonta qaybaha isgaarisiinta sida GSM-ka, Internet-ka iyo adeegyada lacag dhigashada moobilka ee (mobile money services). [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirkada Amal Group ayaa xalay oo Axad ahayd kusoo bandhigtay magaalada Garoowe shirkad isgaarsiineed oo cusub oo ay hirgalisay oo lagu magacaabo Amtel.

Munaasabada soo bandhigida ayaa waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan sida, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha dowlada Puntland.

Yacquub Maxamed Ciise, oo ah asaasaha shirkada Amal Group ayaa sheegay in shirkada cusub ee Amtel ay 250 xarumood dalka gudihiisa ka samaysatay si ay ugu adeegto macaamiisheeda.

Yacquub ayaa sidoo kale sheegay in shirkada Amtel ay saami siinayso dadka doonaya in ay saamile ka noqdaan.

Shirkada Amal Group ayaa kamid ay shirkadaha ugu waa-weyn ee Soomaaliya ka jira, shirkada ayaa ka kooban; Amal Bank, Amal Express, Amal Real state, Amal Trade, iyo Amtel oo ay hadda soo kordhisay.

Amtel ayaa bixin doonta qaybaha isgaarisiinta sida GSM-ka, Internet-ka iyo adeegyada lacag dhigashada moobilka ee (mobile money services), Shirkacada cusub ayaa la filayaa in ay tartan dhanka isgaarsiinta ah la gali doonto shirkadaha isgaarsiinta ee horey dalka uga jiray.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*