Shirka Watashiga Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Horumarinta Magaalada Garoowe oo furmay

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo shirka ka hadlaya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka Watashiga Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Horumarinta Magaalada Garoowe ayaa maanta oo Talaado ah ka furmay qolka shirarka ee haayada PDRC ee gudaha Garoowe.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda oo ay kamid ahaayeen duqa degmada Xasan Maxamed Ciise Goodir, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ka socday haayada UN-HABITAT.

Ugu horeyn duqa degmada Xasan Goodir  oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedku kulanku uu yahay sidii looga wadatashan lahaa qorshaha istiraatiijiyadeed ee horumarinta magaalada Garoowe.

Sidoo kale duqa ayaa sheegay in qorshaha ay ku jiraan in dhulka loo kala xadeeyo dhul daaqsimeed iyo dhul deegaan, qorshe ah 20 sanno ee soo socda.

Dhankiisa, Cismaan Maxamuud Aw Cismaan oo ah sargaal ka socday haayada UN-HABITAT ayaa sheegay in haayadu ay degmada ka caawin doonto qaybo kala duwan oo ay ku jiraan horumarinta, waddooyinka, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Cismaan Maxamuud Aw Cismaan oo ah sargaal ka socday haayada UN-HABITAT oo shirka ka hadlaya. [Sawirka: Puntland Mirror]

Dhankooda, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa soo dhaweeyay qorsha ay horumarineed ee dowladda hoose iyo haayada UN-HABITAT ay ka wadaan magaalada Garoowe, waxayna bulshada kunool Garoowe ka codsadeen in ay gacan ka siiyaan dowladda ee degmada qorshayaasha ee ka socda caasumada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed  oo shirka ka hadlaya. [Sawirka: Puntland Mirror]

Garoowe waa caasimada Puntland, magaalada ayaa sanadihii u dambeeyay sameysay horumar balaaran iyadoo ay magaaladu ku fiday deegaano daaqsimeed u dhawaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*