Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ka furmay Garoowe

Shirka ayaa ka furmay xarunta madaxtooyada Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe maanta oo Axad ah.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoominaya, waxaana ka qeybgalaya raysulwasaare Xasan Cali Khayre, iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo Jubbaland.

Weli si cad looma sheegin ajandaha rasmiga ah ee shirka, balse waxyaabaha looga wadahadli doona ayaa la filayaa in ay kamidtahay xiriirka u dhaxeeya dhowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo aan fiicnayn tan iyo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*