Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo galay maalintii saddexaad

Shirka ayaa galay maalintiisii saddexaad. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo ka socda Garoowe ayaa galay maalintii saddexaad.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, raysulwasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-shabeelle.

Shirka oo ay albaabdu u xiranyihiin ayaa faahfaahinta ka soo baxaysa ay tahay mid aan wax badan laga ogeyn, balse ilo-wareedyo shirka ka ag dhow ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in arrimo badan oo muhiin ah la isku afgartay intii shirku uu socday.

Beri oo Arbaco ah ayaa la filayaa in shirka la soo gabagabeeyo, lana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah, sida ilo-wareedku ay sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*