Shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo ka furmay magaalada Muqdisho

Shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo ka furmay magaalada Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saiciid Juxa ayaa wariyeyaasha u sheegay in shirka looga wadaxaajoon doono guud ahaan amniga Soomaaliya iyo arrimaha kale ee u baahan in laga yeesho wadatashiga.

Dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka waxaana shir guddoominaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*