Shirka madasha qaran ee hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya oo Baydhabo ka furmay

baydhabo16

 

Baydhabo-(Puntland Mirror) Shirka madasha qaran oo u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa galabta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmiya galabta u furay shirka.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada iyo xikmadda ka dambeysa dhismaha Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ay tahay in la helo nidaam la isla wada oggol yahay, iyadoo laga duulayo mabda’a ah in lagu dhaqaaqo wixii maanta la qaban karo, isla markaana aan gadaal looga laaban hawlaha dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya.

“Danta caamka marka la hormariyo ayaa tan gaarka ah la gaari karaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan Soomaaliya horay u dhaqaajino, waddada horumarkana aan u horseedno. Maanta waxaan halkan ku soo gaarney inagoo wadajirna oo aan khilaaf iyo isqabqabsi jirin. Waxaa naga go’an inaanu dalku marnaba gelin marnaansho siyaasadeed, oo aan diyaarino nidaam awoodda dalka la isugu wareejiyo nidaam dimoqraadi ah oo nabadeed’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in qof kasta oo Soomaaliyeed uu karaamo, xuquuq iyo xushmad ku leeyahay dalka, isla markaana loo baahan yahay in la yareeyo cabsida iyo kalsooni la’aanta laga dhaxley xilliga colaadaha.

“Waxaan doonayaa inaan mar kale shacabka Soomaaliyeed u sheego in caalamku uu garab inaga siin karo dhinacyo badan, balse marka ay timaaddo arrimaha siyaasadda ay tahay mas’uuliyad iyo hawl u taalla Soomaalida oo keliya. Waxaa hubaal ah in kulamada noocaan ah ay abuuri karaan kalsooni dhexdeena ah, mid beesha caalamka ka timaadda iyo in ugu dambeyntii aan dhabbada saarno waddada horumarka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya laga dhaqan geliyey uu waddanka u horseeday in taako kasta oo dalka ka mid ah maamul uu ka jiro, taasina ay gacan ka geysaneyso sugidda amniga iyo baahinta xukunka.

Waxaa sidoo kale shirka hadalo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada. Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo hoggaamiyeyaashana ay muujiyeen rajo ay ka qabaan in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*